Wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay dagaal culus kula wareegeen deegaanka Ceel-hareeri, oo ku yaalla duleedka degmada Moqokori.
Sida laga soo xigtay ilo deegaanka ah, dagaalka ayaa dhacay saacadihii hore ee maanta, waxaana la sheegay in ciidamada Al-Shabaab ay si buuxda ula wareegeen gacan ku haynta deegaankaas.
Ilaa iyo hadda lama hayo faahfaahin rasmi ah oo ku saabsan khasaaraha ka dhashay dagaalkaas, mana jiro war kasoo baxay dowladda ama dhinacyada kale ee ku lugta leh xaaladda amni ee gobolka.
Deegaanka Ceel-hareeri ayaa ah meel istiraatiiji ah marka la eego isu socodka ciidamada iyo dhaq-dhaqaaqa ganacsiga ee gobolka Hiiraan.