Weerar culus oo ay qaadeen ciidamada Imaarada Islaamiga ah ee Afqaanistaan ayay ku beegsadeen Saldhigyo ay ciidamada dawladda Pakistaan ku lahaayeen xudeed beenaadka ay labada dal wadaagaan.
Weerarkan oo cuslaa ayaa lasoo sheegayaa inuu gaystay khasaare culus, kaas oo ay ku dhinteen wax ku dhow 20 askari oo ka tirsan ciidanka Pakistaan, weerarkan ayaa imaanaya kaddib markii ay diiyaradaha dagaalka ee Pakistaan ay isbuucii hore dad shacab ah ku duqeeyeen gudaha dalka Afqaanistaan.
Wasiirka wasaarada difaaca ee imaarada Islaamiga Afqaanistaan ayaa bayaan uu soo saartay ku sheegtay, in weerarkan lagu qaaday saldhigyada ciidamada loogu aargudayo dadkii ay dhawaan diyaradaha Pakistaan ku beegsadeen guda Afqaanistaan.
Pakistaan ayaa ah dawladd u adeegta danaha reer galbeedka, taas oo dagaal siyaasadeed ku la jirta Imaarada Islaamiga ah tan iyo markii dalka Afqaanistaan ay la wareegeen xarakada Daalibaan Sadex sano kahor.