Ciidamada Shisheye ee Kenya ayaa dil bareer ah ka gaystay degaanka Qooqaani ee gobalka Jubada-hoose.
Ciidamada Shisheye waxa ay si bareer ah u dileen, Aadan Mowlid Cabdi, oo ahaa wiil dhalinyaro ah kana mid ahaa dadka xoola dhaqatada iyo beeraleyda degaanka Qooqaani.
Dilka marka uu dhacay kadib waxa ay sameeyeen dadka degaanka Qooqaani dibadbax ay kaga soo horjeedaan ciidamada Shisheye ee Kenya.
Ciidamada Kenya oo qayb ka ah shisheeyaha dalka Soomaaliya jooga mudada dheer ayaa ka gaysta magaalooyinka ay dalka ka haystaan dilal, kufsi iyo dhac.