Ciidamada Mujaahdiinta ayaa madaafiic ku garaacay xarumaha cadawga ee xerada Xalane ee magaalada Muqdisho.
Dhawr madfac ayaa barqanimadii maanta ku dhacday gudaha Xalane, waxaana jira khasaare ka soo gaaray cadawga saliibiyiinta ah ee halkaas xoogga ku haysta, kana soo abaabula hawlagallada gurracan ee ashahaado la dirirnimada ah.
Weerarkan ayaa imaanaya maalin un kaddib markii madaxwaynaha dawladda fadaraalka Xasan Sheekh Maxamuud qarax lagula eegtay afaafka hore ee madaxtooyada, kaas oo si dirqi ah uga badbaaday.