DEG DEG: Malatariga Xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab oo Dagaal kula Wareegay Deegaanka “Aboorrey” ee Duleedka Magaalada Buulaburde.

7
0

Wararka inaga soo gaaraya gobalka Hiraan ee bartamaha Soomaaliya ayaa ku waramaya, in ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay goor dhaw dagaal kula wareegeen deegaanka “Aboorrey” ee dhacda duleedka magaalada Buulaburde.

Mujaahidiinta  ayaa kala ceyriyey ciidamadii dowladda Fadaraalka ee ku sugnaa deegaankaasi, kuwaasi oo sidoo kale la jabiyey markii ay isku soo dayeen inay weerar soo qaadaan.

Xaalada deegaanka Aboorrey ayaa hadda ah mid dagan, waxaana ku sugan malatariga Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, sida ay noo xaqiijiyeen ilo wareedyo aan helnay.

25 Febraayo 2025-ka, ayay ahayd markii malatariga Xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab ay weerar cagmarin ah ku qaadeen laba saldhig oo ay ciidamada dowladda Fadaraalka ku lahaayeen deegaankaas.

Dagaal kooban kadib, ciidamada Al-Shabaab ayaa si buuxda ula wareegay saldhigyadii ay ciidamada dowladda Fadaraalka ku lahaayeen deegaanka Aboorreey.

Waxaana dagaalkaasi lagu dilay 51 iskugu jirta saraakiil iyo askar. Halka dhaawac farabadan ciidamada dowladda fadaraalka ula carareen dhinaca Buulaburde

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here