Wararka inaga soo gaaraya gobalka Shabeellaha Dhexe ayaa tibaaxaya, in Ciidamada Mujaahidiinta ay goordhow la wareegay xerada deegaanka”Ilbaq” ee dhacda inta u dhaxeeysa Balcad iyo deegaanka Qalimow, kadib markii ay halkaasi isaga carareen ciidamada dowladda Fadaraalka xeradaasi daganaa.
Ciidamada dowladda Fadaraalka ee ku sugnaa halkaas ayaa waxaa soo foodsaartay cabsi xooggan, kadib markii ay arkeen waxa qabsaday saxiibadood ku sugnaa gobalka intaasa kale. markaasi nafdu biday inay cagta furaan.
Dhawaan ayay ahayd markii ciidamada Xarakada mujaahidiinta Al-Shabaab ay dagaal kula wareegeen magaalada Balcad, iyagoo halkaasi askar badan ku laayay hub iyo saanada malatarina ka soo ghaniimaystay.