DEG-DEG: Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab oo La Wareegay Miir-Taqwo.

25
0

Wararka ka imaanaya gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa ku waramaya, in ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay la wareegeen deegaanka muhiimka ah ee lagu magacaabo Miir-Taqwo.

La wareegitaanka ciidamada Mujaahidiinta ee deegaankan ayaa timid, kadib markii ay halkaasi ka firxadeen ciidamada Dowladda Federaalka oo ka war heley dhaq-dhaqaaqyada ciidan ee halkaas ka socday.

Dadka deegaanka ayaa si diiran usoo dhaweeyay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, waxayna tilmaameen iney dhibaatooyin ku qabeen maamulka iyo ciidamada Dowladda Federaalka.

Maalintii shalay waxay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab dagaal kula wareegeen, deegaannada kala ah Ceel Cali Axmed, Al-Kowthar, Daaru Nicma, Cali Fooldheere iyo Ceel-Baraf.

Xigasho: Raido Al-Furqaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here