Wararka ayaa tilmaamaya in ciidamada Yahuuddu ay bilaabeen in ay faarujiyaan qaybta galbeed ee deegaanka Netzarim, si ay ugu oggolaadaan shacabka Falastiiniyiinta ah ee ka barakacay in ay dib ugu laabtaan guryahoodii iyo degaannadii ay ka deganaayeen waqooyiga marinka Qaza.
Dhanka kale diyaar garow ayaa ka bilowday wadada Rashid ee galbeedka magaalada Qaza, si loo qaabilo barakacayaasha kasoo laabanaya koonfurta Marinka Qaza.
Waxaa xusid mudan in sida heshiiska uu dhigayo dadka barakacayaasha ah loo ogolaan doono inay ku noqdaan waqooyiga Marinka Qaza, iyagoo sii maraya wadada Netzarim laga bilaabo (07:00 am) subaxnimo ee xiliga maxaliga ah. Halka isu socodka gawaridana loo ogalaan doono inay wadada Salah El-Diin maraan laga bilaabo (09:00 am) subaxnimo ee wakhtiga Falastiin.
Wasaaradda Caafimaadka Falastiiniyiinta ee Qaza, ayaa dhankeeda ku dhawaaqday in ay dadka barakacayaasha ah u fidinayso gurmad caafimaad, kaddib marka ay soo gaaraan dhulkii ay ka barakaceen.