Ciidamada dawladda fadaraalka oo gurmad u ahaa deegaanka Abooreey ayaa galabta lagu jabiyay dagaal toos ah oo ka dhacay duleedka Abooreey ee gobalka Hiiraan.
Ciidamadan ayaa kasoo baxay Degmada Aadan-Yabaal, kuwaas oo uu hor kacayay Adawa Yuusuf Raagge oo ah taliyaha ciidamada dawladda fadaraalka.
Inta badan ciidamadan ayaa ahaa kuwa uu tababaro Maraykanka ee Danab oo ay kor ka taageerayaan diyaaradaha Mareykanka, waxaana dagaalkii galabta lagu dilay Saraakiil ciidan oo hor joogayaal u ahaa ciidamada Bangrafta.