DEG DEG: Ciidanka Gumeystaha Yuhuuda oo Bilaabay Howlgal Dhanka Dhulka ah oo Lagu Qaadaayo Dalka Lubnaan.

46
0

Ciidanka gumeystaha Israa’iil ayaa ku dhawaaqay billowga hawlgallo dhanka dhulka ah oo ka dhan ah bartilmaameedyada kooxda Xisbullah ee koonfurta dalka Lubnaan.

Raadiyaha ku hadla afka gumeystaha Yahuuda ayaa sheegay in cutubyo ka tirsan ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Kumaandooska gumeystaha ay gudaha u galeen dhulka Lubnaan.

Duulaankaan dhanka dhulka ah ayaa ahaa mid la sugaayay maalmihii lasoo dhaafay.

Hogaanka gumeystaha Yuhuuda ayaa si buuxda u gaaray go’aanka duulaanka dhanka dhulka ah ee lagu qaadaayo dalka Lubnaan.

War qoraal ah oo uu daabacay afhayeenka ciidamada gumeystaha ninka lagu magacaabo Afikhay Adruci ayaa lagu sheegay in iyadoo lagu salaynayo go’aanka siyaasadeed ee gaareen hogaanka gumeystaha in ciidamada Yahuuda ay bilaabeen saacado ka hor howlgal dhanka dhulka ah oo lagu beegsanayo koonfurta Lubnaan, howlgalkaas oo ka dhan ah bartilmaameedyada kooxda Xisbullah gaar ahaan Tuulooyin dhowr ah oo u dhow xad beenaadka ay wadagaan Lubnaan iyo Falastiin.

Ciidamada militariga Lubnaan ayaa isaga baxay xad beenaadka ay wadaagaan Lubnaan iyo Falastiin gelinkii dambe ee maalinta Isniinta, ka hor inta uu bilaaban duulaanka dhulka ee soo qaaday gumeystaha Israa’iil.

Dhanka kale ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee Ururka Xisbullah ee dalka Lubnaan, Naciim Qaasim, ayaa maalintii shalay ahayd sheegay in Xisbullah diyaar u yihiin duulaan kasta oo Israa’iil ku soo qaado dhulka Lubnaan, isla markaana ay si adag uga hortagi doonaan, hadalkan oo ahaa kii u horeeyay ee sarkaal ka tirsan Xisbullah ka soo baxay dilkii Xassan Nasrallah.

Khuburada dhanka militariga ayaa ku tilmaamay duullaanka gumeystaha Yahuuda ay ku qadayaan Lubnaan in uu noqon doono mid jab xoggan lagu gaarsiin doono Yahuuda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here