DEG DEG: Cunug u Dhashay Qaab Mucjiso ah Kadib Markii Hooyadiis ay Shahiiday.

139
0

Isbitaalka Al-Cawda ee ku yaala xerada Nuseyrat, ee bartamaha magaalada Gaza, ayaa sheegay maanta oo Sabti ah, in dhakhaatiirta isbitaalka ay ku guulaysteen in ay badbaadiyaan ilmo uur-ku-jir ah oo laga soo saaray uurka hooyadii kadib markii ay ku shahiiday duqayn ay fuliyeen gumaystaha Yahuuda.

Bayaan ka soo baxay Isbitaalka oo ay faafisay wakaalada wararka falastiiniyiinta ayaa lagu yiri: ” Barqanimadii maanta qaybta gargaarka degdega ah ee Isbitaalka waxa ay qaabileen hooyo shahiiday oo lahayd uur sagaal bilood ah.”

Sida laga soo xigtay Isbitaalka: “Dhakhaatiirta dhalmada iyo haweenka ayaa bilaabay qaliin degdeg ah oo lagu furayo caloosha hooyada shahiiday si loga soo saaro ilmaha caloosheeda ku jira, kaas oo dhashay isagoo nool, waxaana loo wareejiyay qaybta xanaanada ee Isbitaalka Shuhada Al-Aqsa.” 

Wakaaladdu waxay sidoo kale tilmaantay in Isbitaalka Al-Cawda ee ku yaal xerada Nuseyrat uu yahay isbitaalka kaliya ee bixiya adeegyada daryeelka dhalmada iyo haweenka tan iyo markii uu billowday “dagaalka dabar-goynta” ee gumaystaha Yahuuda ay ka wadaan magaalada Gaza.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here