Wararka ka imaanaya gobolka Mudug ayaa sheegaya in dagaal culus uu ka qarxay deegaanka Jiicboor ee galbeedka Mudug.
Diryanka hubka culus oo ay isku adeegsanayaan maleeshiyo beeleedyada wada daga deegaanadaas ayaa laga maqlayaa deegaano ka baxsan halka
lagudagaalamayo.
Labo maalmood ka hor ayaa dagaal culus sidaan oo kale uga dhacay galbeedka gobolka Mudug waxaa ku naf waayay tiro badan oo ka mid ah maleeshiyaadkii dagaalamay.
Sidoo kalana waxaa dagaalkaasi laga diiwaan galiyay dhacdooyin mahadho reebtay oo ay ka mid aheyd haweeney inta la dhaawacay muuqaalo laga duubay.
Dadka waxgaradka ah ayaa aaminsan in dagaal beeleedyada soo noqnoqday ee ka dhaca deeganada ay maamusho dowlada federaalka Soomaaliya ay u sabab tahay ku dhaqanka xeerar hoosaadka jaahiliyada ah iyo dowlada federaalka oo ku dhaqanta dimquraadiyada, arintaaso dalka sii galisay dagaalo sokeeye iyo jahwareer siyaasadeed.