Faafin dheereed ah ayaa kasoo baxaysa dagaal Afaraad oo ka qarxay deegaanka Al-Kawthar ee dhaca duleedka magaalada Aadam Yabaal ee gobalka Shabeellaha Dhexe.
Waxa ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, usuurtagashay inay si buuxda ula wareegaan gacan ku haynta deegaanka Al-Kawthar, kadib markii dagaal ka dhacay duleed deegaanka ay ka talaabsadaan maydadka inka badan 20 isugu jira Askar iyo saraakiil ka tirsanaa ciidamada DF, sida ay kusoo waramayaan warbaahinada Islaamiga ah ee wararka kasoo tabiya gudaha dhulka ay Al-Shabaab maamuho.
Magaalada Aadam Yabaal ayaa laga dareemayaa cabsi iyo qoob gariir, iyadoo ciidamada DF ee ku sugan magaalada ay ka baqayaan in ciidamada Al-Shabaab ay gudaha usoo galaan magaalada maadama ay soo jabeen ciidamadoodii ku sugnaa deegaanka Al-Kawthar.