Ku Dhawaad 20 Askari oo Dhimaso iyo Dhaawac ku Noqday Dagaallo Markale Maanta ka Dhacay Duleedka Degaanka Aboorreey.

10
0

Warar haatan ina soo gaaray ayaa ku waramaya, in ciidamada Malatiga Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab iyo kuwa Dowladda Fedaraalka uu maanta mar kale dagaallo ku dhexmaray duleedka degaanka Aboorreey ee gobolka Hiiraan.

Dagaaladan oo aad u cuslaa ayaa guuldarro dhabarka loogu saariyay ciidamada dowladda Fadaraalka.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sheegay, in Dowladda Fedaraalka dagaaladaasi looga dilay 8 askari, halka 9 kalena looga dhaawacay.

Deegaankan ayaa maalmahan marti galiyay dagaallo ay ku riiqmeen ciidamada dowladda Fadaraalka ee duulanka ahaa, kuwaas guuldarra kala kulmay dhamaan gulufkii ay soo qaadeen, iyadoo hadda si buuxda deegaanka gacanta ugu haayaan malatariga Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here