Gumeystaha Yahuud ayaa duqeymo culus oo cirka ah oo ku qaaday koonfurta magaalada Beyrut ee caasimadda Lubnaan, gaar ahaan xaafadda Koonfurta Beyrut oo saldhigyo muhiim ah ay ku leeyihiin kooxda Xisbullah.
Wararka hordhaca ah ee laga helay ilo amni iyo warbaahinta gudaha Lubanaan ayaa sheegaya in ugu yaraan 13 duqeyn ay fuliyeen diyaarado dagaal iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (drones) ee gumeystaya Yahuuda.
Duqeymahan ayaa lala beegsaday bartilmaameedyo la sheegay inay yihiin xarumo la tuhunsan yahay in ay ku sugan yihiin xubno sare oo ka tirsan Xisbullah.
Ilo caafimaad iyo goobjoogayaal ayaa sheegaya in duqeymahaasi ay sababeen khasaare hantiyadeed oo baaxad leh, walow aan si rasmi ah loo xaqiijin tirada dadka wax ku noqday.
Xiisadda sii huraysa ee u dhexeeya gumeystaha Israa’iil iyo kooxda Xisbullah ayaa kordhinaysa cabsi laga qabo in dagaal saameyn ku yeesha gobolka uu ka qarxo mandiqadda Shaam.