Ciidamada Mareykanka ayaa maanta ku dhawaaqay, in diyaarad dagaal oo ah nooca F-35 ay ku burburtay gobolka Alaska ee dalkaas, iyadoo duuliyihii diyaaradda uu badbaaday.
Sarkaal ka tirsan Saldhigga Ciidamada Cirka ee gobalka Alaska ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay, in shilku uu ka dhacay saldhig milateri oo ku yaalla gobalkaas. Sarkaalkan ayaa sheegay in diyaaradda F-35 uu soo gaaray burbur xooggan, dhacdadana uu baaritaan ku socdo.
Ciidamada Cirka ee dalka Mareykanka ayaa bayaan ay soo saareen waxa ay ku shaaciyeen, in duuliyihii diyaaradda uu bad baaday, waxaana loo gudbiyay isbitaalka ciidamada si baaritaano caafimaad loogu sameeyo.
Muuqaalo lagu faafiyay baraha bulshada ayaa muujinayay diyaarada oo hawada ka soo dhacday, kadibna dhulka ku qaraxday.