Saacadihii la soo dhaafay dalka Suuriya waxaa ka dhacay is-beddello la yaab leh, kaddib markii kooxaha mucaaradka ay billaabeen dagaal ay ugu magacdareen “Radul Cudwaan” waxayna si deg deg ah ula wareegeen deegaanno ballaaran oo ka tirsan Idlib iyo Xalab oo ku yaalla waqooyi-galbeed ee dalkaas, iyadoo ciidammada Nusayriyada Suriya ay kuhor burbureen xooggagan.
Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya, in mucaaradka hubeysan ee Suuriya ay sheegeen, in ay la wareegeen garoonka caalamiga ah ee magaalada Xalab. Goobjoogayaal katirsan kacdoon wadayaasha ayaa warbaahinta u sheegay, in xooggaga mucaaradku ay si buuxda ugu dhawaaqeen inay la wareegeen dhamaan magaalooyinka gobolka Idlib, kaddib markii ay qabsadeen magaalada istiraatiijiga ah ee Maarat al-Numan.
Xooggaga mucaaradka ayaa hadda gacanta ku haya inta badan magaalada Xalab, is badaladan ayaa dhacay Labo maalmood kaddib markii uu billowday weerar lama filaan ah oo ka dhan ahaa ciidamada Nusayriyada Suriya, kaasoo sababay dhimashada tobaneeyo qof.