Kooxaha hubaysan ee mucaaradka dalka Suuriya ayaa si buuxda gacanta ugu dhigay magaalada taariikhiga ah ee Xamah.
Dagaalo lagu tilmamay kuwo lafo jabis ah ayaa ka socday magaalada Xamah mudo 4 maalin ah, waxaana ugu dambayntii magaalada isaga firxaday maleeshiyaadka Nuseeyriyada Bashaar Al-Asad.
Maleeshiyaadka Bashaar Al-Asad ayaa dhankooda sheegay inay isaga bexeen magaalada Xamah.
Sidoo kale kacdoon wadayaasha ayaa qabsaday garoonka diyaaraha magaalada Xamah oo ah garoon istiraatiiji ah.
Guulaha is xig xiga ay gaarayaan kooxaha mucaaradka ayaa lagu tilmamay inay noqon doonan kuwo saameyn adag ku yeesha wadamada islaamka gaar ahaan dhulka Shaam.