DEG DEG: Kooxaha Kacdoon Wadayaasha Dalka Suuriya oo La Wareegay Magaalada istiraatiijiga ah Ee Saraqeb.

30
0

kooxaha kacdoon wadayaasha dalka Suuriya ee ka soo horjeeda nidaamka nuseeyriyada Bahsaar Al-asad ayaa si buuxda gacanta ugu dhigay magaalada istiraatiijiga ah ee Saraqeb ee waqooyi-galbeed ee dalka Suuriya.

Ciidamada Nidaamka nuseeyriyada Suuriya ayaa isaga baxay magaalada Saraqeb ka dib markii ay la kulmeen khasaare xooggan oo ka dhashay iska horimaadyo ay la galeen kooxaha hubeysan ee mucaaradka, kaasoo socday muddo labo maalmood ah.

Iska horimaadyo u dhexeeya kooxaha mucaaradka hubeysan iyo ciidamada Nidaamka nuseeyriyada Bashaar Al-Asad ayaa ka billowday baadiyaha galbeed ee Xalab 27-kii November.

Dagaallada oo socda maalintii saddexaad ayay kooxaha mucaaradka ah ee hubeysan waxay la wareegeen guud ahaan 70-goobood iyo deegaanno ka tirsan gobollada Xalab iyo Idlib.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here