Kooxaha kacdoon wadayaasha dalka Suuriya ayaa shaaciyay inay dileen sarkaal sare oo katirsan ciidamada Iiraan.
Sarkaalka oo u dhashay dalka Iiraan ayaa lagu dilay howlgalka militari ay wadaan kooxaha kacdoon wadayaasha xili uu ku sugnaa galbeedka magaalada Xalab ee dalka Suuriya.
Sarkaalka ayaa lagu magcaaba Sarreeye Guuto, Kiyomarth Porhashmi oo ahaa sarkaal sare oo katirsan ilaalada kacaanka ee xukuumadda Shiicada ah ee Iiraan.
Dhanka kale warbaahinta dowladda shiicada Iiraan ayaa sheegtay in taliye Kiyomarth Porhashmi uu ahaa la talaiye ciidan oo katirsan saraakiisha ilaalada Kacaanka Iiraan lagu dilay magaalada Xalab ee dalka Suuriya.