Ciidamada xarakada Alshabaab oo saaka la wareegay deegaanka Masagawaay ee gobolka Galgaduud.
Dagaalka oo ahaa mid aad u culus ayaa lagu jabiyay ciidamada dowlada sidoo kale lagu gaarsiyay jab aad u xooggan.
Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya xogta khasaaraha soo gaaray ciidamada dowlada federaalka Soomaaliya oo kala ah sidatan:
-Dhimashada waa 9 askari oo dagaalkaasi lagu dilay, dhaawacana waa 11 kale.
-Dagaalka waxaa lagu gubay gaari nuuciisu yahay Booyad ah oo ciidamada dowladu ay lahaayeen.
-Ciidamada Alshabaab ayaa sidoo kale dagaalka ku qabsaday 4 qori oo AK47 ah, iyo 1 qori PKM ah, dhowr Matoor, iyo Moto Fekon-ah.
Dagaalkaan ayaa kamid noqday dagaalada lagu dhiig bixiyay ciidamada dowlada federaalka Soomaaliya ee ku sugan gobolada dhexe.