Mu’assasada Al-Kataa’ib oo ah garabka warbaahineed ee Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa shaacisay, in ay baahin doonto muuqaal cusub oo ah “Hadiyadda Ciidul Adxaa 1446 Hijriya”. Muuqaalkan oo ah filim aad u xiiso badan ayaa gabi ahaanba ka duwan muuqaaladii hadyadaha ciida ee ay baahin jirtay mu’assasada Al-Kataa;ib sanadadii hore.
Muuqaalkan oo cinwaankiisu yahay “إن تنصروا الله ينصركم” (Haddii aad u hiilisaan Ilaahay, wuu idin hiilin doonaa), wuxuu si gaar ah u faaqidi doonaa dagaalkii weynaa ee ka dhacay degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe. Filimku wuxuu si faahfaahsan u soo bandhigi doonaa wejiyada kala duwan ee dagaalkaasi, isaga oo ku bixi doona labo luuqadood oo kala ah Carabi iyo Soomaali.
Muuqaallada ciideed ee Al-Kataa’ib ayaa had iyo jeer noqda kuwo lagu muujiyo weerarro waaweyn ama fariimo istiraatiiji ah oo ay mujaahdiintu doonayaan inay gaarsiiyaan bulshada. Muuqaalkan cusub ee “Hadiyadda Ciidul Adxaa” ayaa la filayaa inuu noqdo mid ka duwan kuwii hore, iyadoo si gaar ah loo sugaayay maadaama uu xambaarsan yahay dhacdo dagaal oo saamayn ku yeelatay duulaankii qar iska xoorka ahaa ee Dawladda Fadaraalku kusoo qaaday wilaayaadka Islaamiga ah ee lagu dhaqo shareecada Alllaah.