Gobalka Hiiraan oo dhaca bartamaha Soomaaliya ayaa haatan waxaa kasoo baxaya warar sheegaya in ciidamada xarakada mujaahidiinta ay la wareegeen deegaano hor leh oo ka tirsan gobalkaas.
Ciidamada Mujaahidiinta ayaana si buuxda ula wareegay deegaanka Yasooman ee gobalka Hiiraan, halkaas oo ay horay ugu sugnaayeen ciidamo ka tirsan kuwa dawladda fadaraalka.
Qabsashada deegaanka ayaa kusoo aadaysa iyadoo saacado kahor ay mujaahidiintu la wareegeen degmada Aadan Yabaal ee gobalka Shabellada dhexe.