DEG DEG: Nin Hubeysan oo 10 Qof ku Dilay Dal Dhaca Qaaradda Yurub.

8
0

Booliska dalka Montenegro ayaa sheegay, in nin hubeysan uu 10 qof ku dilay toogashooyin kala duwan oo ka geystay tuulo hoostagto magaalada Cetinje ka hor inta uusan is dilin.

Ninka weerarka geystay ayaa Afar qof ku dilay maqaayad ku taalla tuulo hoostagto magaalada Cetinje, kaddibna wuxuu u dhaqaaqay saddex goob oo kale, isagoo dad badan ku dilay goobahaas.

Dhankiisa, wasiirka arrimaha gudaha ee dalka Montenegro ayaa u sheegay warfidiyeenka, in ninka hubeysan uu dilay ugu yaraan 10 qof, oo ay ku jiraan Labo caruur ah oo ka soo jeeda qoyskii lahaa maqaaxida uu toogashadu ka geystay oo ku taalla tuulada Pajes oo u dhow magaalada Cetinje ee Koonfurta dalkaas.

Wasiirka ayaa  sheegay, in ninka toogashada geystay  sidoo kale uu dilay xubno qoyskiisa ka tirsanaa, wuxuuna wasiirku soo jeediyay, in musiibadan ay ka dhalatay xiriirka dadka oo xumaaday, balse marka laga soo taga hadalkaan dawladda dalkaas kama bixin faafihin rasmi ah oo ku saabsan waxa ninkaas ku riixay inuu geysto falkaan.

Ninkan oo ay boolisku magaciisa ku sheegeen Aleksandar Martinovic, oo 45 jir ahaa, ayaa isku dayay inuu isku dilo meel u dhow gurigiisa oo ku yaalla magaalada Cetinje, wuxuuna u dhintay dhaawacii soo gaaray markii loo sii qaadayay isbitaal, sida uu wasiirka arrimaha gudaha u sheegay telefishinka dawladda.

Dhacdadaan darteed, Xukuumadda Montenegrin ayaa ku dhawaaqday, Saddex maalmood oo baroor diiq qaran ah oo ka bilaamanaysa Khamiista maanta.

Sanadkii 2022, isla magaalada Cetinje, nin ayaa maalin cad ku dilay 10 ka mid ahaa dadka deegaanka, oo ay ku jiraan Labo carruur ah, ka hor inta uusan dilin qof wadada marayay, sida uu waqtigaa sheegay xafiiska xeer ilaalinta ee dalkaas. Dhacdadan ayaa loo arkaa mid ka mid ah kuwii ugu dhimashada badnaa taariikhda dalkan yar ee kamida dawladah  dhaca Balkanka ee qaaradda Yurub.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here