Dawladda Ruushka ayaa ku dhawaaqday geerida Lieutenant General Igor Kirillov, oo ahaa taliyaha ciidamada difaaca shucaaca kiimikada iyo bay’oolojiga ee ciidamada Ruushka, kadib qarax ka dhacay caasimadda Moscow subaxnimadii Talaadada.
Guddi loo xil-saaray baaritaanka kiiskaas ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay, in sarkaalka qaraxa loogu rakibay iridka dhismo la deggan yahay oo ku yaalla waddada Ryazansky Prospekt ee magaalada Moscow, waxaana halkaas ku geeriyooday Kirillov iyo kaaliyihiisii.
War saxaafadeedka ayaa lagu sheegay, in maamulku uu wado baaritaan lagu ogaanayo qaabka uu fal dambiyeedka u dhacay, waxaana la sheegay in la furay kiis dambiyeedka dilka askarta.
Waddada Ryazansky Prospekt, oo ah halka uu qaraxu ka dhacay, ayaa ka bilaabmata meel 7 kiiloomitir Koonfur bari ka xigta Kremlin-ka. Khubarada dambi baarista ayaa goobta ka shaqeynayay iyadoo ay weheliyaan shaqaalaha kale ee qaabilsan adeegyada gurmadka, sida ay tabisaya wakaaladda wararka ee TASS.
Wargayska Russia Today oo soo xiganayay ilo dhinaca amaanka ah ayaa sheegay, in awooda qaraxaasi ay u dhaxaysay 100 ilaa 300 garaam oo TNT ah. Kirillov, oo 54 jir ahaa, ayaa xilka hayay tan iyo 2017-kii, waxaana lagu daray liiska cunaqabateynta reer Galbeedka ee ku aaddan duulaanka uu Ruushku ku qaaday dalka Ukraine.