Warar deg-deg ah oo naga soo gaaraya gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in galabta uu qarax xooggan ka dhacay duleedka degmada Cadale, kaas oo lala eegtay kolonyo gaadiid ah oo uu la socday taliyaha guud ee ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya, Yuusuf Odowaa Raage.
Qaraxan oo lagu soo waramayo inuu ahaa mid si xeeladeysan loo dhigay, ayaa si gaar ah u beegsaday gaariga uu saarnaa Taliye Odowaa, xilli ay ku sii jeedeen degmada Cadale. warar hoose aaa xaqiijiyey in qaraxu uu ahaa mid culus oo gilgilay deegaanka, isla markaana laga maqlay masaafo fog.
Inkasta oo wararkii ugu horreeyay ay tilmaamayaan in Taliyaha uu ka badbaaday weerarka, haddana ilo xog-ogaal ah ayaa sheegaya in qaar ka mid ah ilaaladii gaarka u ahayd ay ku dhaawacmeen. Waxaa sidoo kale burbur lixaad leh uu soo gaaray gaariga taliyaha oo qaraxa si toos ah u saameeyey.