DEG DEG: Sarkaal Katirsan Sirdoon ka Gumaystaha Yahuuda oo Lagu Dilay Dalka Falastiin.

62
0

Ciidanka gumaystaha Yahuuda ayaa subaxnimadii hore ee maanta ku dhawaaqay in sarkaal katirsan sirdoon ka Yahuuda uu udhintay dhaawac ka soo gaaray dhowr maalmood ka hor weerar loo adeegsady mindi iyo gaari jiirsiin.

Weerarka ayaa ka dhacay magaalada Ramla oo dhacda wadada isku xirta magaalooyinka Jaffa iyo Qudus.

Sarkaal ka dhintay ayaa lagu magacaabi jiray “Ariel Topaz” waxa uu ka mid noqday saraakiisha iyo askarta lagu dilay weerarada kaligii duulnimada ah ee lagu dhiig bixiyay gumaystaha Yahuuda.

Sida laga soo xigtay xogta iyo qirashada ay gumaystaha Israa’iil ay sameeyeen oo ku saabsan khasaaraha ciidankooda ka soo gaaray weerarada kaligii duulnimada ah ee tan iyo bilowgii bishan Luulyo lagu qaaday, ayaa gaartay dhimashada 19 qof Oo ay ku jiraan 8 sarkaal oo ka tirsan ciidamada gumeysiga Yahuuda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here