Warbaahinta reer Falastiin ayaa maanta oo Sabti ah shaacisay geerida weriye Maxammad Jaasir, xaaskiisa iyo laba caruur ah oo uu dhalay, kadib duqayn ay la beegsadeen gumaystaha Yahuuda.
Duqaynta lagu xasuuqay qoyska wariye Maxamed Jaasir ayaa ka dhacay gurigooda oo ku yaalla waqooyiga marinka Qaza .
Gumaystaha Yahuuda iyo beegsashada wariyaasha: Warbaahinta wararka ka soo tabisa gudaha dalka Falastiin ayaa goor sii horeysaysheegtay in ugu yaraan 5 wariye ay ku shahiideen duqeymaha bahalnimada ah ay ka wadaan gumaystaha Yahuuda Marinka Gaza iyo xerada Nuseyrat, duqaymahaas oo dhacay saacadihii lasoo dhaafay.
Tiro koob lagu sameeyay wariyayasha ay dileen gumaystaha Yahuuda tan iyo marki u biloowday dagaalka ka socda magaalada Gaza ayaa lagu qiyaasay 160 wariye. Sidaa ay bahisay wasarada warfafinta xukuumada Xamas ee ka talisa marinka Gaza.