Hay’adda gurmadka dagdagga ee Yahuudda ayaa sheegtay Talaadadii maanta, in hal qof uu ku dhintay shan kalena ay ku dhaawacmeen, weerar toogasha ah oo ka dhacay meel u dhow magaalada Ashdod ee koonfurta dhulka ay Yahuudda gumaysato, halka ninkii weerarka fuliyayna uu shahiiday.
Channel-ka 12-aad ee Sahaayinada ayaa sheegay, in qof kale lagu daba jiro oo la rumeysan yahay in uu ku lug lahaa howlgalkaas ka dhacay meel udhow magaalada Ashdod ee gumaysiga ku jirta.
Dhankooda,Booliska gudaha ayaa sheegay in aysan wali go’aamin asalka dhacdada toogashada ah, ee ka dhacday agagaarka Ashdood.Warbaahinada Yahuudda ayaana weerarkan warar is khilaafsan kasoo tabinaya.