Wararka saaka oo Isniin ah laga helayo gobolka Baay ayaa sheegaya in dagaalyahannada Al-Shabaab ay weerarro cag-marin ah ku qaadeen labo xero oo ay deganaayeen ciidamo taabacsan maamulka Laftagareen, kuwaas oo ku yaalla deegaanka Bari-Ujeed, oo dhaca duleedka magaalada Baydhabo.
Sida ay noo xaqiijiyeen ilo-wareedyo deegaanka ah, dagaalku wuxuu si gaar ah u dhacay waaberigii hore, iyadoo jihaadiyiintu ay si qorshaysan ugu bexeen labada xero, kuna bilaabeen weerarro xooggan oo waxyeello culus lagu gaarsiiyay ciidamadii ku sugnaa halkaasi.
Waxaa isla markiiba magaalada Baydhabo kasoo dhaqaaqay kolonyo gurmad ah, balse kolonyadaas ayaa la sheegay in Al-Shabaab ay jidka u galeen, ayna ku dhufteen weerar kale oo degdeg ah, taasoo keentay in gurmadkii ay firxadaan, dibna ugu laabtaan magaalada Baydhabo.
Wararka hordhaca ah ee laga helayo goobta ayaa tilmaamaya in 8 askari ay halkaasi ku dhinteen, tiro kalena ay si toos ah gacanta ugu dhigeen dagaalyahannada Al-Shabaab. Waxaa sidoo kale jira warar sheegaya in mujaahidiintu ay la wareegeen saanad militari oo ballaaran oo ay ku furteen xeradii ay weerareen.