DEG DEG: Xarakada Al-Shabaab oo Weerar ku Qaaday Saldhig ku yaala Gobalka Jubbada Hoose iyo Dagaalo ka Dhacay Gobolka Mudug.

42
0

Ciidamada xarakada Al-Shabaab ayaa weerar xoogan ku qaaday saldhig ay lahaayeen ciidamada maamulka Jubbaland oo ku yaala duleedka Kambooni ee gobalka Jubbada Hoose, halka dagaalo culus ay ka dhaceen gobolka Mudug.

Dagaalka ay xarakadu ku qaaday saldhiga Kamboni oo cuslaa, waxaa ku dhintay 5 askari oo katirsan jubbaland, halka ay ku dhaawacmeen 10 kale, ciidamada Al-Shabaab ayay u suurta gashay inay dagaalkaas ku furtaan 4 qori oo ah nooca AK-47 iyo qori RBG ah.

Dhanka kale ciidamo katirsan dawlada Fadaraalka ayaa duullaan kusoo qaaday deegaano katirsan gobolka Mudug ee bartamaha dalka Soomaaliya, waxaa halkaas ka dhacay dagaalo culus oo laisku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana goobihii uu dagaalku ka dhacay hada jooga ciidamo katirsan militariga Xarakada Al-Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here