DEG-DEG: Xarakada Al-Shabaab oo Si Nabad ah Kula Wareegtay Deegaanka Tardo oo Ka Tirsan Gobalka Hiiraan. +{Sawiro}

11
0

Ciidamada Mujaahidiinta ayaa maanta si nabadgalyo ah ula wareegay gacan ku haynta deegaanka Tardo, oo ah deegaan istiraatiiji ah oo hoos taga degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan.

Deegaanka Tardo wuxuu leeyahay muhiimad weyn oo dhinaca juquraafiyada ah, maadaama uu ku yaallo marin muhiim u ah isu socodka  ciidamada dawladda, gaar ahaan jidka u dhexeeya Buulaburde iyo Jalalaqsi.

Qabsashada Tardo ayaa calaamad u ah korarka awoodda iyo saameynta Mujaahidiinta ee gobolka Hiiraan, iyadoo sidoo kale ay ka dhigan tahay hoos u dhac weyn oo ku yimid awooddii maamulka federaalka ee gobollada dhexe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here