Warar hordhac ah oo la helaya ayaa sheegaya, in maamulka Yahuudda uu dukumeenti ugudbiyay dawladda mareekanka si ay xal diblumaasiyadeed oogu soo afjarta dagaalka udhaxeeya Ururka Shiicaga Xisbullaah iyo Sahaayinada.
Mawqica Axios oo soo xiganaya saraakiil Ameerikaaan ah iyo kuwa ka tirsan Yahuudda ayaa sheegay, in Yahuudda ay Maraykanka u soo bandhigtay dukumeenti ku saabsan shuruudaha lagu gaarayo xal dublamaasiyadeed oo lagu soo afjarayo dagaalka Lubnaan.
Wuxuu intaas ku daray Mawqica, in Amos Hochstein oo ah ergeyga Madaxweynaha Maraykanka uu booqan doono Beirut isniinta maanta ah, si uu madaxda Lubnaan ugala hadlo suurtogalnimada in qaab dublamaasiyadeed lagu xalin karo khilaafka.