DEG-DEG:Mucaaradka Hubaysan ee Suuriya oo Bilaabay Galitaankooda Dimishiq.

22
0

Mucaaradka hubaysan ee Suuriya ayaa ku dhawaaqay, inay bilaabeen galitaanka magaalada caasimadda ah ee Dimishiq, halka wakaaladda wararka ee Reuters oo soo xiganaysa saraakiil sarsare oo Suuriya ka tirsan ay sheegtay, in Bashaar Al-Asad uu ka cararay Dimishiq, iyadoo aan la garanaynin halka uu ubaxsaday, Labada sarkaal ayaana uxaqiijiyay Reuters, in uu diyaarad uraacay meel aan la shaacin.

Mucaaradku ayaa ku talaabsanaya horumarro aad ubaallaaran, waxa ayna ku guulaysteen inay gacanta ku dhigaan magaalada Xims oo ah magaalada Saddexaad ee ugu weyn dalka Suuriya, iyadoo intaas lagu daraya, inay la wareegeen magaalooyinka Xalab iyo Xamah, iyo guud ahaan gobolka Idlib.

Mucaaradka ayaa xaqiijiyay, in 24 saac gudahood ay ku guuleysteen inay xoreeyaan 4 magaalo oo kala ah Daraa, Quneitra, Suwayda, iyo Xims, ka hor inta aysan la wareegin magaalada Qusayr ee baadiyaha Xims.

Waaberigii Axadda, mucaaradka ayaa sheegay, in ay xoog ku galeen xabsiga Saydnaya oo ku yaalla baadiyaha Dimishiq, ayna ku guulaysteen in ay xoreeyaan maxaabiisti ku jirtay halkaas, iyaga oo soo afjaray xilligii caddaalad-darrada.

Mucaaradka hubeysan ee Suuriya ayaa si degdeg ah ugu dhawaaqay, in ay la wareegeen dhismaha raadiyaha iyo telefishinka Suuriya.

Dhinaca kale, Wargeyska New York Times ee ka soo baxa dalka Maraykanka oo soo xiganaya Saraakiil ka tirsan Ilaaladda Kacaanka Iiraan ayaa xaqiijiyey, in Mucaaradka hubeysan ay gudaha u galeen caasimadda Dimishiq, isla markaana ay ciidamada Nidaamka ka insixaabayaan magaalada.

Wararka qaar ayaa tibaaxaya, in la joojiyay dhammaan duulimaadyadii garoonka diyaaradaha ee Dimishiq, halka shaqaalahiina laga saaray.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here