DEG-GEG: Ruushka oo Duqeymo Xooggan ku Garaacay Ukraine, Xilli la Doonaya in lasoo Afjaro Colaada u Dhaxeysa Labada dal.

21
0

Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Ruushka ayaa weeraro goos-goos ah ka geystay dalka Ukraine, iyadoo qaraxyo laga maqlay caasimadda Kyiv, sidoo kalena ay korontadu ka go’day magaalada Odessa, halka Ruushku uu sheegay inay soo rideen 21 diyaaradood oo ay leedahay Ukraine.

Wararka ayaa ku soo warramay in magaalada Kiev laga maqlay qaraxyo xooggan oo ka dhashay weerar ay fuliyeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Ruushka.

Duqa Magaalada Odessa oo ku taalla badda madow ayaa sheegay horraantii maanta, in ciidamada Ruushka ay magaalada ku weerareen diyaarado aan duuliye lahayn, duqaymahaas oo sababay inay gabi ahaanba magaalada ka go’aan korontada, qalabka la isku kululeeyo iyo biyaha.

“Isbitaalada, rugaha caafimaadka, kaabayaasha bulshada ayaa noqday kulayl la’aan,”  duqa magaalada ayaa ku soo qoray bartiisa Telegram, isaga oo ku tilmaamay duqeynta lala beegsaday Odessa mid weyn.

Odessa waxa ay si joogta ah bartilmaameed ugu ahayd weerarada Ruushka ee ku dhawaad ​​socday seddexda sano, gaar ahaan xarumaha ku yaalla hareeraha saddexda dekedood ee magaalada.

Duqa magaalada ayaa soo galiyay Telegram sawiro muujinaya dhismayaal burbursan. Ma uusan sheegin wax khasaare ah oo soo gaaray dadka, wuxuuna tilmaamay, in khubaradu ay qiimeynayaan khasaaraha.

Qof goob jooga ah ayaa sheegay, in diyaarado aan duuliye lahayn lagu arkay koonfurta Ukraine xiligii uu dhacayay weerarka Odessa.

Magaalada Moscow, Wasaaradda Difaaca ee Ruushka ayaa sheegtay, in hababkooda difaaca cirka ay ku soo rideen 21 diyaaradood oo aan duuliye lahayn oo laga leeyahay Ukraine Talaadadii, kuwaas oo intooda badan dulmaray gobolka Bryansk ee galbeedka dalkaas.

Wasaaraddu waxay ku dartay qoraal ay soo dhigtay Telegram in cutubyada difaaca cirka ay soo rideen 20 diyaaradood intii u dhaxaysay 9:30 p.m. iyo 10:30 p.m, iyagoo dul heehaabaya gobolka Bryansk ee ku yaalla xadka Ukraine.

Difaaca cirka ee Ruushka ayaa soo riday diyaarad kale oo aan duuliye lahayn oo dul maraysay jaziirada u ekaha Crimea.

Arintaan ayaa kusoo beegmayso, iyadoo dalka Sacuudiga uu shalay ka furmay wada xaajood u dhaxeeya dawladaha Ruushka iyo Meraykanka kaas oo la doonaya in lagu soo afjaro dagaalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here