DEGDEG: Ciidamada Xabashida Itoobiya oo ka Baxay Magaalada Maxaas ee Bariga Hiiraan.

56
0

Ciidamada Xabashida Itoobiya ayaa si buuxda ooga baxay degmada Maxaas ee Bariga gobolka Hiiraan.

Wararka laga helayo gobolka Hiiraan ayaa xaqiijinaya in ciidamada Itoobiya oo wata ku dhowaad 100 gaari ay sii marayaan deegaanka Hees waxayna u dhaqaaqeen dhankaas iyo deegaanka Feerfeer ee Soomaali galbeed.

Itoobiyaanka ayaa qabsaday magaalada Maxaas 14 Maarso 2014.
Ciidanka Xabashida ayaa Maxaas ku sugnaa muddo 10 sanadood ah.

Bixitaanka ciidamada xabashida Itoobiya ee ka bexeen degmada Maxaas ayaa sababay cabsi soo food-saartay maamulka degmada Maxaas iyo guud ahaan maamulka DF ka ee gobolka Hiiraan, ayagoo ka cabsi qaba in magaalada ay mar kale gacanata xarakada Alshabaab ay ku soo laabato.

Guddoomiyaha cusub ee degmada Maxaas ninka lagu magacaabo Ciise Waayeel, ayaa goob fagaare ah ka sheegay bixitaanka ciidanka Itoobiya isagoo yiri “Itoobiyaanku awalba dagaalka toos ugama qeyb qaadanayn haddane annaga ayaa is difaacayna.”

Iyadoo ay xusid mudan tahay in markii 2009-kii ciidamada Itoobiya ay isaga bexeen dalka Soomaaliya, ay dhamaan degmooyinkii ay ka bexeen Itoobiyaanka ee gobolada dalka, ay ku dheceen gacanta Al-Shabaab.

Falaanqeeyasha arimaha dagaalada ayaa qiyaasaya in ka dibbixitaanka ciidamada shisheeye ay sababi doonto in ururka Alshabaab uu la wareego talada dalk, si lamid ah sidii ka dhacday dalka Afgaanistaan sanadkii 2021.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here