Waxaa saacadihii lasoo dhaafay magaalada Dimishiq soo gaaray Hogaamiyaha Kacdoon wadayaasha ee Axmed Al-Sharci (Abu Muxamed Al-Jowlaani), kaas oo mudo dheer halgan kula jiray sidii uu Dalkan uga xorayn lahaa Nidaamkii Shuuciga ahaa ee talada dalkan soo hayay mudo dhan 53 Sano.
Jawlaani ayaa galay magaalada isagoo Allaah uga mahdinaya guusha uu kasiiyay cadowgoodii soo jireenka ahaa ee Shiicada, markii uu magaalada soo galay ayuu Sujuudu Shukri la dhacay isaga iyo askartiisii istaafka u ahaa.
Nidaamka Bishaar Al-Asad ayaa ku dumay 11 Maalmood oo kaliya, kaas oo dagaal adag kula jiray kooxaha Suniyiinta tan iyo 2011-kii, nidaamkan kaligiis taliska ahaa ayaa xasuuq daran kula kacay dadka Suniyiinta ah ee ku dhaqan dalkaas, isagoo garab ka helaya dawladda Iran iyo Rushka.