Wararka inaga soo garaya dhulka ay Yahuudu gumaysato ee Falastiin ayaa kusoo waramaya, in saacadihii lasoo dhaafay uu ka dhacay weerar loo adeegsaday toorey, iyadoo warbaahinnada Yahuudda ay warar is khilaafsan kasoo saareen khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarkaasi.
Wargeyska “Israel Hayom” ayaa sheegay, in Afar qof ay ku dhaawacmeen weerar tooreey oo ka dhacay Haifa, uuna socda baaritaan ku saabsan asalka weerarka.
Halka Raadiyaha Yahuudana uu sheegay, in 6 qof ay ku dhaawacmeen weerar tooreey ah oo lagu weeraray boosteejada baska ee u dhow suuqa laga dukaameysto ee Haifa.
Dhanka kale, booliiska Yahuudda ayaa goor sii horaysay sheegay, inay ciidamadooda kusii socdaan dhisme ku yaalla Haifa, oo uu ka dhacay weerar tooreey ah.
Dhawaanahan danbe waxaa kusoo batay dhulka ay Yahuuddu xoogga ku haysto ee Falastiin weerarada caynkaan ah, kuwaas oo argagax ku beeray maamulka Yahuudda iyo shacabkooda.