DF oo Laga Yaabo Shirka Ankara Iney Itoobiya Ugu Saxiixdo Badda Soomaaliya.

41
0

Wararka ka imaanaya wadanka Turkiga ayaa sheegaya in maanta oo Isniinta uu Ankara ka furmayo shirka lagu wada hadashiinayo DF iyo Itoobiya kaasoo looga hadlayo damaca Itoobiya, meeshana looga saarayo is-af-garadkii Muuse iyo Abiy ku dhex maray magaalada Adis-ababa ee dalka Itoobiya.

Siyaasiyiinta iyo falanqeeyayaashu waxay sheegayaan in kulamo hordhac ah oo DF lala yeeshay iyo xiriiro dhinaca isgaarsiinta ah oo madaxdeeda lala sameeyay in looga dhameeyay iney Itoobiya u saxiixdo qeyb kamid ah badda Soomaaliya, halka Itoobiya iyana lagu qanciyay iney ka tanaasusho heshiiskaas, kana faa’iideysato fursadda cusub.

Habeenkii xalay waxaa khadka telefoonka ku ku wada hadlay Xasan Sheekh madaxweynaha DF iyo Ordogan dhiggiisa wadanka Turkiga, waxaana Xasan lagu qanciyay inuu Itoobiya u oggolaado qeyb kamid ah badda Soomaaliya, wuuna soo dhaweeyay sida ay sheegayaan dad xog ogaal ah oo ku dhow madaxtooyada Muqdisho.

Xogtu waxay intaa ku dareysaa in Xasan uu la hadlay wasiirkiisa dibadda Axmad Macallin Fiqi si uu u saxiixo heshiiska, hase ahaateen Fiqi ayaa ka dhaga adeygay isagoo dalbaday in loo oggolaado dhaqaalaha lagu qaadanayo heshiiskan inuu wax ka helo.

Ilaha warkan laga soo xiganayo waxay tibaaxayaan in Xasan Sheekh uu Itoobiya u oggolaanayo dakad ay ka dhisato Soomaaliya, faa’iidada isaga ugu jirtana waxay tahay inuu qaadanayo qandaraaska dakadda lagu sameynayo, taasoo ay maal galineyso Imaaraadka Carabta.

Axmad Fiqi ayaa waxa uu ku qanciyay inuu dhaqaalahaas wax ka siinayo islamarkaana laga doonayo inuu saxiixo heshiiska Itoobiya lagu siinayo badda Soomaaliya. Dowladda Turkiga ayaa aad uga macaasheysa arrintan waxayna ka shaqeeneysaa iyadoo aan colaad u muujin Itoobiya iney dhinaceeda ka boobto kheyraadka badda ee loogu saxiixay iney Xabashida ka difaacayso sida la sheegay, Xabashidana si fudud ku qaataan badda.

Maamulka Somaliland oo horey Xabashida ugu saxiixay qeybo kamid ah badda ayaa sheegay in Xasan Sheekh uusan awood u lahayn inuu badda qeybta waqooyiga u saxiixo Ioobiya, balse uu saxiixi karo oo kale inta uu ka arrimiyo.

Dhanka Itoobiyana ra’iisulwasaarahooda Abiy Axmad ayaa shalay oo Axad ahayd shaaca ka qaaday in ay ka go’an tahay iney bad helaan isagoo shacabkiisa ugu laab qaboojinayay dadaalkiisa, DF ula hadlayay si dib lumaasiyadeed. Afhayeenka Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage oo ay dhawaan wareysi ka qaaday Idaacadda Al-furqaan ayaa sheegay in Itoobiya ay wado dhaqan galinta qorshaheedii ku aadanaa iney qeyb ka hesho badda Soomaaliya, haddana shirka ka dhacaya Ankara wuxuu dibadda soo dhigayaa xaqiiqda warkaas.

Ugu dambeyntii waxaa isha lagu wada hayaa shirka Ankara, haddii Itoobiya loo saxiixo badda Soomaaliyana waxay noqon doontaa maalin ay taariikh xumo usoo hoyatay ummadda Soomaaliyeed, dhanka Itoobiyaankana waxay u noqon doontaan maalin ay xaqiijiyeen riyadoodii boqollaalka qarni soo jirtay ee ahayd in ay mar uun qabsadaan badda Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here