Sanadkan Cusub ee u bilowday taariikhda miilaadiyada ayaa noqonaya sanad lafilayo inay dhacaan isbedelo waawayn oo lagarajo qabo inay wax kabadalaan wixii dhacay sanadkii lasoo dhaafay ee 2024-kii, sanadkii lasoo dhafay ayaa ku suntanaa sanad ay dhaceen dhacdooyin waawayn oo dunida gilgilay.
Sanadkan dhamaaday ayaa marti galiyay dhacdooyin uu kamid yahay dhicitaankii Nidaamkii Rajiimka ahaa ee Reer Asad, kaas oo dhalka Suuriya maamulayay wax kabadan nus qarni, sidoo kale sanadkan waxaa dib talada dalka Maraykanka ugusoo laabtay Madaxwaynaha Donal Tramp oo horay dalkaas Madaxwayne ugasoo noqday.
Tramp ayaa mudo xileedkiisii hore Qudus u aqoon saday, inay tahay caasimada looga arimiyo maamulka Yahuudda, wuxuu markan talada dalkaas kusoo laabtay ayadoo mandiqada bariga dhexe uu ka holcayo dagaallo kala siyaasado duwan, gaar ahaan Qaza oo mudo 15 bilood ah wajahaysa duulaan cadowtooyo oo galaaftay wax kabadan 150 kun oo dhimasho iyo dhaawac iskugu jirta.
Sanadkan oo ahaa sanadkii Labaad oo uu socdo dagaalka Duufaata Al-Aqza ayay wali muqaawamadu awood u lahayd inay iska difaacdo duulaanka Yahuudda, Xarakada Xamaas oo hormuud ka ah dagaalkan ayaa sagootisay sanadkan qaar kamida Hogamiyayasheedii, waxaana isla sanadkan gudihiisa la dilay Ismaciil Haniya iyo Yaxye Sinwaar oo Labaduba soo noqday Madaxa xafiiska siyaasada ee Xarakada Xamaas.
Dhacdooyinka ugu waawayn ee uu sanadkii lasoo dhaafay ee 2024-kii uu diwaan galiyay waxaa kamid ahaa, furida xabiga Sidnaya oo ahaa xabsigii ugu adkaa uguna sumcada xumaa inta laga ogyahy xabsiyada aduunka ka jira, xabsigan ayaa maanta ah meel haawanaysa oo loo daawasho tago, isagoo maalmo kahor hoy u ahaa kumanaan Suuriyaan ah oo ku xirnaa Tobanaan Sano.
Xabsigan ayaa la dhisay dhawr iyo Sideetamaadkii, waxaana dhisay Xaafid Al-Asad oo wakhtigaas dalka madaxwayne ka ahaa, kaas oo ugu talagalay inuu ku tacdiibiyo dadka muslimiinta ah ee reer Suuriya, kaddib markii la furay xabsigan waxaa laga helay boqolaal xabaal wadareedyo oo ay ku aasan yihiin wax kabadan 100 kun oo qof, kuwaas oo lagu dilay gudaha Xabsigan.
Boqolaal Suuriyaan ah ayaa iskusoo baxay faagaraasha dalkaas, ayagoo u dabaal dagaya dhicitaanka maamulkii reer Asad, Sanadkan ayaa Reer Suuriya u ahaa sanad ay xoriyadooda dib u heleen, kaddib Nusqarni ay kuhoos jireen nidaamkaas, waxaana talada dalka la wareegay kooxo Suniyiin ah oo mudo 14 sano ah dagaal kulasoo jiray Bishaar Al-Asad.
Dhacdooyinka kale ee Sanadkan dhacay 2024-ka, waxaa kamida qabsashada Yahuuddu ay ku qabsatay qaybo kamida dalka Lubanaan oo ay ku qaaday weerar cir iyo dhul ah, kaas oo ay ku dhinteen kumanaan qof oo Lubnaaniyiin ah, dhanka kale Xisbullaah ayaa dagaal adag kala hortagtay Yahuudda, inkasto ugu dambayn ay isku dhiibtay Sahaayinada heshiisna la gashay si loo joojiyo dagaalka.
Xisbullaah ayaa dagaalkan ku waysay hogaamiyashedii ugu sareeyay, waxaana duqayn lagu dilay Xassan Nasrallaah oo mudo dheer horjooge u ahaa kooxdan shiicada ah ee Xisbullaah, sidoo kale dagaalkan ayaa galaaftay Saraakiil sar sare oo muhiim u ahaa ururkan, taas oo uga dhignayd sanadkii ugu xumaa ee soo mara taariikhda Xisbullaah.
2024-ka ayaa marti galiyay Doorashooyinkii ugu badnaa oo ka dhaca caalamka, waxaana doorashada madaxwayne nimada laga qabtay in kabadan 60 wadan, waxaana kamid ahaa dalalka ay doorashadu ka dhacday Ruushka, kaas oo talada dalkaas uu dib ugusoo laabtay Putin oo madaxwayne kasoo ahaa dalkan mudo dheer. Sidoo kale isla sanadkan wuxuu afqambi xukuumadeed oo talada looga tuuray madaxdii dalalkaas ka talinaysay ka dhacay dalal ay kamid yihiin Bangaladhe iyo Koonfurta Kuuriya.
Sanadkan dhamaaday ayaa ahaa sanad Cimilo ahaa aad u kululaa, kaas u muuqaday inuu ahaa sanadkii ugu kululaa abid, xilli masiibooyinka ka dhasha isbeddelka cimiladu ay waxyeello ba’an u geysan doonaan dhulka ku fidsan xeebaha Yurub ilaa dooxada Kathmandu. Waxaa sidoo kale sanadkan Cilimada oo kulul awgeed Xajka ku dhintay kumanaan qof oo xujay ahaa.
Isla sanadkan dhamaaday ee 2024-ka, waxaa sidoo kale geeska Afrika gaar ahaan Soomaaliya ka dhacay dhacdooyin wax ka badalay siyaasadda gobalka, kaas oo ahaa heshiiskii dhawaan uu Turkigu garwadeenka ka ahaa ee Itoobiya loogu saxiixay Badda Soomaaliya, waxaana heshiiskan Abiy Axmed u saxiixay Xassan Sheekh Maxamuud, isagoo horay u sheegay in Itoobiya aysan u socon dakad ganacsi ee ay rabto inay qabsato biyaha Soomaaliya.