Dhaqaalo xumo baahsan ayaa lagasoo sheegayaa dalka Maraykanku, taas oo soo ifbaxday kaddib markii uu Trump wadamo badan kusoo rogay canshuuro xad dhaaf ah, iyadoo ugu damabayntii sababtay in sicir barar xooggan uu ka qarxo suugyada Maraykanka.
Suuqyadan ayaa lumiyeen in ka badan 9 Trillion oo Doollar tan iyo Jannaayo 20-keedii wakhtigii uu Trump xilka qabtay, waxaa sidaad sheegay Ajay Bagga oo ah khabiir ku takhasusay dhaqaalaha.
Labo-daraale waxaa dhaqaale xumadan sii xoojiyay, Kaddib markii Shiinuhu uu isna Maraykanka kusoo rogay canshuur dhan boqolkiiba 34, isaga oo ula jeeday aargoosi dhaqaale oo uu kaga hor tagayo canshuuraha xad dhaafka ah ee uu Maraykanku kusoo rogay beedacadihiisa.
Arrintan ayaa sii kor dhinaysay cabsida laga qabo dagaal ganacsi oo caalami ah oo daba dheeraada, Iyadoo suuqyada caalamka sida kuwa Yurub iyo Aasiya lagasoo diwaan galiyay hoos u dhac wayn oo dhan ganacsiga ah, sidoo kale Japan ayaa laga dareemayaa hoos u dhac gaaraya boqolkiiba 2.8 ah.
Qiimaha saliidda ee caalamka ayaa hoos ugu dhacday heerarkii ugu hooseeyay tan iyo 2021-kii, halka badeecooyinka warshadaha sida nuxaasta ay sidoo kale marti galiyeen hoos u dhac aad uweyn.
Sanadadii u dambeeyay waxaa dhaqaale xumo baahsan laga dareemayay wadama reer galbeedka, xili ay hanti badan ku waayeen duulaanka ay caalamka Islaamka kusoo qaadeen, taas oo keentay inay ugu dambayn isaga baxaan wadamo badan oo ay xoog ku joogeen tobanaankii sano ee lasoo dhaafay iyagoon wax natiijo ah xaqiijin.