Dhaqtar Qaboow Dartii ugu Geeriyooday Marinka Gaza.

5
0

Wasaaradda caafimaadka ee Falastiin ayaa sheegtay, in Dr. Ahmed Al-Zaharna, oo ka mid ahaa shaqaalaha caafimaadka ee magaalada Khan Yuunis, uu u geeriyooday qabow dartiis, isagoo ku sugnaa gudaha teendhadiisa oo ku taalla deegaanka Al-Mawasi, oo dhanka Koonfureed kaga beegan marinka Gaza.

Dhacdadan ayaa ku soo beegantay iyadoo ay jiraan xaalado bini’aadantinimo oo adag oo soo food saartay dadka barakacayaasha ah ee ku sugan Gaza, iyadoo uu sii kordhaya qabawga ka jira marinka, mana haystaan dadka barakacayaasha ah goobo ay ka gabaadsadaan qabowga.

Sidoo kale, 4 caruur ah oo dhawaan dhashay ayaa u dhintay qabow dartiis dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay, kuwaas oo ku noolaa teendhooyinka barakacayaasha ee Koonfurta Marinka Gaza.

Dr. Ayed Al-Farra, oo ah agaasimaha qaybta dhallaanka ee Nasser Medical Complex, ayaa sheegay, in maalin kasta isbitaalka ay helaan 5 ilaa 6 xaaladood oo ku saabsan ilmaha dhasha, kuwaas oo uu hoos udhacay heer kulkii jirkooda, waxa ayna dhamaantood u baahan-yihiin in wax laga qabto xaaladooda.

Xaaladahan ayaa ku soo beegmayo iyadoo ay ciidamada Yahuudda wali sii wadaan bartilmaameedkooda ka dhanka ah isbitaallada Marinka Gaza, gaar ahaan isbitaallada ku yaalla qaybta Waqooyi ee Marinka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here