Dhiibaatada Isticmaalka Baraha Bulshada iyo Halista Dabinka Mashquulka.

26
0

Qarnigan  waxaa si xawli ah usoo badanaya adeegsiga aaladaha Tecnologyga; sida Internet-ka, warbahinta qaybaheeda kala duwan iyo aaladaha loo isticmaalo sida telefoonada iyo kombuyuutarada, waxayna sahleen helitaanka macluumaadka iyo xiriirka bulshada ku kala nool  daafaha caalamka.

Sidoo kale isticmaalka baraha bulshada sida Facebook, Whatsapp, Instagrama, Utube, Twitter iyo kuwo kale, maaha mid aan lee yahay dhamaan isticmaalkoodu wuu xunyahay, balse hadii si haboon loo adeegsado waxay soo kordhin karaan faaido aad uwayn oo lagu hor mari karo aduun iyo aakhiro, waayo waxay xoojin karaan gudbinta dacwada Islaamiga ah, iyo in bulshada loosoo bandhigo barnamijyo ama duruus wax tar uleh, sidoo kale waxay qayb wayn ka qaadan karaan iska warqabka bulshada, ama isdhaafsiga ganacsiga iyo wixii lamida.

Laakiin intaas oo dhan oo wanaag ah, hadana waxaa jira in uu saamayn taban iyo mid toosa ku reebo da’ yarta aan weli lahayn garaad ay isku xakameeyaan ama ay ku kala soocaan waxa xun iyo waxa fiican, ama aan gaarin caqli ay ku xakameeyaan isticmaalka baraha bulshada iyo internetka, taas oo u keenta dhibaatooyin badan oo ka dhasha adeegsiga khaldan ee baraha bulshada, waxayna dib u dhac ku keentaa waxbarashadooda, akhlaaqdooda, koritaankooda shakhsiyadeed iyo hab dhaqan kooda bulshada.

Qormadan hoose waxaan kusoo gudbin doonaa wax kamida dhibaatooyinka Ba’an ee ay bulshadeedu kala kulmeen isticmaalka Baraha Bulshada, iyo xalka looga bixi karo dhibtaas.

Da’ayarta oo ah dadka ugu badan ee ay saamaynta ugu wayn kasoo gaartay baraha bulshadu,  Waxay noqdaan  kuwo aan waxbarashada xiiso u hayn-oo waqtigooda ku lumiya isticmaalka joogtada ah ee  baraha bulshada.

Waxay ka bartaan, dhaqamada guracan ee ay dadka aad islaamka ahayn soo galiyaan baraha bulshada ayagoo doonaya inay ku daydaan dhaqamadooda, sida dhalinyarada taageera ciyaaraha kubada cagta iyo waxa lamidka ah.

dhibaatooyinka ugu waawayn ee laga dhaxlo isticmaalka baraha bulshada waxaa kamida gaalaysiinta, da’yarteenu waxay la ildaran yihiin afkaaraha guracan ee ugaga imaanaya gaalada, ayadoo la doonayo in lagaga saaro diintooda, kuwaas oo loosoo marsiiyo aaladaha lagu xiriiro ee Baraha bulshada.

Isticmaalka khaldan ee baraha bulshadu wuxuu keenay, in bulshada lagu dhexfaafiyo qabyaalada iyo isir sooca, ayadoo la doonayo in  lagu kala geeyo dadka wada dhashay si dhexdooda colaad looga abuuro.

Aaladaha internate-ka  ama isgaarsiintu waxay mashquul baahsan galiyeen caqliyadii isaaniyada, ayadoo isticmaalka joogtada ah ee Baraha bulshadu uu inbadan oo bulshada kamida ka dhigay maqane-joogayaal aan la socon waxa hareerahooda ka dhacaya.

Dabinka mashquulku waa isticmaalka aan xadidnayn ee uu qofku ku bixiyo internetka iyo wixii lamida, waxayna halis wayn ku tahay jiritaankaaga caqliyadeed, taas oo keenta inay xasuustaadu yaraato, wax curintaaduna ay  soo aruurto.

Mashquulka faraha badan ee lagu mashquulo baraha bulshada, waxaa sidoo kale laga dhaxlaa  hurdo la’aan joogto ah, in aad iska waydo hurdo illaa aad isticmaasho dawooyinka hurdada, caqabadan ayaana ka dhalata marka uu qofku saacado badan ku mashquulo Aaladahan.

 

Side buu Qofku Iskaga Xakamayn Karaa Isticmaalka Baraha Bulshada.

Waa in uu waalidku ka ilaaliyaa ubadkiisa isticmaalka internate-ka, taasina waxay ku imaanaysaa in aan ubadka losoo gadin aaladaha laga galo baraha bulshada, sida Talephonada shaashadaha, kambuterada iyo wixii lamida.

Waalidku waa inuusan meelaha ubadku joogo ku isticmaalin Internate-ka, taasi waxay keenaysaa in aad adigu ubadkaaga uhorseedo isticmaalka aaladahan, ayagoo adiga kaaga dayanaya.

Qofka doonaya inuu aaladan khayrka ku faafiyo, waxaa laga doonayaa inuu wakhti gaara oo xadidan u samaysto aaladan, waa inuu san isticmaalkiisa ka dhigin jaantaa rogan, wakhtiga uu doonana soo galo, wakhtiga uu rabano ka baxo.

Qofkii doonaya inuu wax kabarto ama faafinta khayrka uu u isticmaalo Internat-ka, waa inuu marka hore iska xiro dhamaan xayaysiiska iyo wax yaabaha lamidka ah ee internate-ku uu kugusoo daynayo isagoon dalban, taasoo keeni karta inay ka mashquuliso hadafkiisa.

Waa in uu qofku xasuustaa in wakhtiga uu ku bixinayo Internet-ka laga xisaabin doono, daqiiqad walba oo martana ay suaal ka sugayso maalinta qiyaame, taas oo ku riixaysa qofka inuu aaladan iskaga baxo, hadii kalana uu wanaag u adeegsado.

Inta badan mashquulka da’yarta ee Baraha bulshada waxaa keena, camal la aanta, taas oo qofka ku keenaysa inuu raadiyo meel uu wakhtigiisa ku lumiyo, marka waa in uu qofku naftiisa ku mashquuliyo khayrka si aysan isaga u mashquulin.

Nin xikmad badnaa ayaa yiri, waxaan la yaabaaa marka aan akhriyo taariikhda Islaamka, sidii ay Salafku ugu mashquuli jireen cibaadada iyo quraan akhriska, balse la yaabkaas waxaa I illowsiiyay markaan arkay da’yarteena oo ku dhawaad 20 saacadood ku jirta barha bulshada ayagoo aan ka daalayn.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here