Dhimasho iyo Dhaawac ka Dhashay Duqeymo ay Yahuudda ka Geysatay Baadiyaha Gobalka Darca ee Dalka Suuriya.

18
0

Ilo caafimaad oo ku sugan dalka Suuriya ayaa sheegay, in dhimasho iyo dhaawac ay ka dhalatay duqeyn ka hor waaberigii maanta ay Yahuuddu la beegsatay keymaha Jubailiyah ee ku yaalla baadiyaha Galbeed ee goblka Daraca ee dalka Suuriya.

Balse ma aysan sheegin inta uu la egyahay khasaaraha ka dhashay duqeyntaas, oo kusoo beegmayo maalin kadib markii weerarro kale lala beegsaday garoonnada diyaaradaha ee magaalooyinka Hamah, Dimishiq, iyo baadiyaha Xums.

Horaantii Arbacadii, wasaaradda arrimaha dibadda ee Suuriya ayaa ku dhawaaqday, in Yahuudda ay duqaymo xagga cirka ah ku qaadday garoonka diyaaradaha ee Hamah, halkaas oo ay ku burburisay garoonka kuna dhaawacday dad rayid ah iyo askar.

Yahuudda ayaana in ka badan 10 weerar oo xagga cirka ah la beegsaday garoonka diyaaradaha ee Hamah ee bartamaha Suuriya, waxaana ku dhaawacmay dad rayid ah oo aan waxba galabsanin.

Muddo bilo ah, Sahaayinada ayaa duqeymo cirka ah ku garaacday Suuriya , kuwaas oo ay ku dishay dad rayid ah, ayna ku burburisay goobo, gaadiid iyo saanad milatari oo Suuriya leedahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here