Dhimaso iyo Dhaawac ka Dhalaatay Weerar uu Ruushku ku Qaaday Magaalo ku Taallo Bartamaha Ukraine

33
0

Wararka inaga soo gaaraya dalka Ukraine ayaa kusoo waramaya, in Ruuska uu gantaallo ku garaacay magaalo ku taalla bartamaha dalkaas, weerarkaas oo geystay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac

Hal qof ayaa ku dhintay, ugu yaraan 5 kalana waa ay ku dhaawacmeen, weerar uu Ruushku ku qaaday magaalada Kryvyi Rih ee bartamaha Ukraine, sida uu sheegay guddoomiyaha gobolka.

Dadka deggan Kryvyi Rih ma rumaysna in Moscow ay diyaar u tahay xabbad joojin kadib markii ay weerarkan ku qaadday magaaladooda.

Weerarkaan ayaa ku soo beegmaysa iyadoo Ruushku uu xaqiijiyey, inay ka sugayaan Maraykanka faahfaahin ku saabsan xabbad-joojin 30 maalmood ah oo uu Maraykanku doonayo inuu dhex dhigo dawladaha ay dirirta u dhexso ee Ruuska iyo Ukraine, maalin un kadib markii Kyiv ay ku dhawaaqday, inay oggolaatay hindisahaas kadib wadahadal ay la yeelatay wefti Ameerikaan ah oo ku sugnaa Sucuudiga.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here