Dhul-gariir Cabirkiisa Lagu Qiyaasay 6.1 oo ku Dhuftay Dalka Indonesia.

17
0

Dhul-gariir xooggan ayaa saaka ku dhuftay xeebaha dalka Indonesia. Hay’adda Sahanka Maraykanka ayaana sheegtay, in dhulgariir cabbirkiisu dhan yahay 6.1 uu ku dhuftay jasiiradda Sulawesi ee dalka Indonesia, balse ma jiraan wax war ah oo kasoo baxaya khasaaraha uu geystay.

Wakaaladdu waxay sheegtay, in dhul-gariirku uu dhacay abaaro 6:55 subaxnimo ee wakhtiga maxaliga dalkaas, wuxuuna ka dhacay meel qiyaastii 10 kiiloomitir u jirta xeebta Waqooyi ee Sulawesi.

Dhankeeda, hay’adda saadaasha hawada ee dalka Indonesia ayaa ku dhawaaqday in cabirka dhul-gariirka uu gaaray 6 darajo. Dhowr qof oo deggan gobolka Waqooyiga Sulawesi oo la hadlay warbaahinta ayaa soo sheegay in ay cabsi xooggan dareemayaan, walina laga baqayo in ay dhacaan dhul-gariiro hor leh.

Indonesia ayaa ah jasiirad aad u baaxad weyn oo marar badan marti galisay dhul-gariiro iyo dhaqdhaqaaqyo foolkaanooyin ah, kuwaas oo  soo noqnoqday marar badan oo ay ugu wacan tahay halka uu dalkani ku yallo Juquraafi ahaan. Bishii Janaayo ee sanadkii 2021-ka waxaa jasiiradan ka dhacay dhulgariir cabirkiisu uu ahaa 6.2, waxaana ku dhintay in ka badan 100 qof Indonesiyaan ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here