Dhul-gariir khasaare Badan Dhaliyay oo ku Dhuftay Dalka Ikwadoor ee Dhaca Laatiin Ameerika.

23
0

Waddanka Ikwadoor ee dhaca waqooyi-galbeed ee qaaradda Koonfurta Ameerika ayaa waxaa shalay ku dhuftay dhulgariir cabirkiisa lagu qiyaasay 6.3 daraja, kaas oo si gaar ah uga dhacay magaalo xeebeed lagu magacaabo Ismiiraldaas ee dalkaaas.

Waxaana lagu soo waramayaa, in 29 qof ay ku dhaawacmeen dhul-gariirkaas, halka ay ku burbureen, in ka badan 135 guri, iyadoo boqolkiiba 90 ay korontadii ka go’day magaaladaasi.

Kooxaha gurmadka deg-degga ah ayaa dhankooda sheegay, in dhul-gariirkaas ay ku burbureen afar xarumood oo caafimaad ah, 26 iskuul, labo waddo iyo buundo, halka ay si ku meel gaar ah u hakadeen hawlihii ka socday magaaladaas.

Daba yaaqadii bishii Janawari ee lasoo dhaafay ayaa waxaa sidaan oo kale dalka Ikwadoor  ugu dhuftay dhul gariir cabbirkiisa lagu qiyaasay 5.7 darajo, balse lama soo warinnin wax khasaara ah oo uu geystay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here