Dhul-gariir xoogan oo ku dhuftay Bariga Turkiga.

42
0

Waxaa lasoo sheegayaa in manta uu dalka Turkiga qaybo kamida uu ku dhuftay dhulgariir xooggan, kaasoo sababay khasaare kala duwan, dhul-gariirka oo uu cabirkiisu sareeyay ayaa ku dhuftay gobalada dhaca Bariga Turkiga.

Xarunta Seismological Center ee Yurub ayaa manta sheegtay in dhulgariir cabirkiisu yahay 6.1 uu ku dhuftay bariga Turkiga. Sidoo kale waxay  intaas  ku dareen in dhul-gariirku uu ka hoos maray dhulka cabir dhan 9 km.

Turkiga, oo ku yaala khadka ugu weyn ee seismic-ka adduunka, ayaa la kulmay dhulgariir aad u ba’an 6-dii February, 2023, kaas oo galaaftay nolosha in ka badan 50,000 oo qof, isla markaana horseeday burbur weyn oo ku yimi kaabayaasha dhaqaale ee dhowr gobol, halka ay ku dhaawacmeen dad kor udhaafaya boqolaal kun.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here