Dhulgariir Cabirkiisa lagu Qiyaasay 5.2 oo ku Dhuftay Waqooyiga Dalka Morocco.

21
0

Dhul-gariir lagu qiyaasay 5.2 ayaa ku dhuftay waqooyiga dalka Morocco habeenkii isniinta, sida ay ku warantay warbaahinta maxaliga ah ee dalkaas.

Dhul-dariirkan ayaa xooggiisa waxaa dareemay dadka deeganka meel 200 oo kilomitir koonfur ka xigta xudunta dhul gariirka, oo ay ku jirto caasimadda dalkaas ee Rabat, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Reuters.

Dhankeeda, Hay’adda Sahanka dhulka ee Maraykanka ayaa qiyaasta dhulgariirka ku sheegtay 5.1 cabirka Richter, waxayna sheegtay, in uu ka dhacay meel u dhow magaalada Ksar El-Kebir ee waqooyiga Morocco.

Ma jiraan wax war ah oo ka soo baxay dhanka khasaaraha uu geystay  dhul gariirkaasi oo ka dhacay meel 20 kiilo mitir ka hooseysa dhulka gobolka Ouezzane ee dalka Morocco.

Bishii Sebtembar 2023-kii, Morocco ayaa marti galisay dhulgariir cabbirkiisu dhan yahay 6.8 oo ku dhuftay gobolka Al Haouz ee koonfur-galbeed ee dalkaas, kaasoo ay ku dhinteen in ka badan 2,900 oo qof, isla markaana uu ka tagay burbur baahsan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here