Dhulgariir Cabirkiisu Yahay 4.0 oo ku Dhuftay Caasimadda Hindiya ee New Delhi.

26
0

Dhulgariir cabirkiisu yahay 4.0 ayaa subaxnimadii hore ee maanta ku dhuftay caasimadda Hindiya ee New Delhi, iyadoo xuduntiisu tahay duleedka magaaladaasi.

Ilaa hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay khasaaraha uu gaystay dhul gariirkaan, balse dadka deegaanka oo argagaxsan ayaa kasoo baxay guryahooda. Hay’adda Sahanka dhulka ee Maraykanka ayaa sheegtay in dhulgariirka uu dhacay wax yar ka hor inta aysan qorraxdu soo bixin, ayna guntiisa hoosa tahay 10 kiiloomitir oo keliya.

Booliiska dalkaas ayaana shacabka siiyay nambar telefoon ee lasoo wici karo haddii loo baahdo oo ay caqabado la kulmaan. Raiisel wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ku booriyay dadka inay ka feejignaadaan dhul gariirada dambe ee suurtagalka ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here